DEG-DEG: Ciidamada Dowladda iyo kuwa Imaaraatka Daacadda u ah oo ku dagaallamaya Muqdisho.

War goordhow na soo gaaray wuxuu sheegayaa in magaalada Muqdisho uu ka socodo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo katirsan dowladda federaalka iyo ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraatka carabta.

Dagaalka ayaa ka socoda xerada dowladda Imaaraatka ay ku tababari jirtay ciidamada dowladda, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan lama oga waxa uu dhab ahaan salka ku hayo, balse waa natiijo kamid ah natiijooyinka ka dhashey khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda uu hogaamiyo Farmaajo iyo tan Imaaraatka carabta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.