DEG-DEG: Sarkaal sare oo katirsan Sirdoonka Dowladda Oo La Toogtay.

Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada Sirdoonka dowladda ee loo yaqaano PS-TA.

Mustaf Beer dillaacshe oo ahaa taliyihii sirdoonka dowladda ee deegaanka Ceelasha Biyaha iyo istaafkiisa gaarka ah ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo waxyar kahor ka dhacay isla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaatay gaari uu watay Taliyaha la dilay iyo qori nooca Ak 47 ah.

Ceelasha biyaha ayaa haatan kacsan, waxaana jahwareer iyo qal-qal laga dareemayaa ciidamada sirdoonka dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.