Diyaaradaha Maamulka Yahuudda Oo Duqeeyay Garoon milliteri oo ku yaala Suuriya.

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado katirsan maamulka Yahuudda ay duqeeyeen garoon milliteri oo ay ku sugnaayeen malleeshiyaad katirsan Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo kuwa Iiraaniyiin ah.

Garoonka la duqeeyay waxaa lagu magacaabaa Tiifoor, wuxuuna ku yaala gobolka Ximis.

Dhowr gantaal ayaa diyaarado ay Yahuuddu leeyihiin waxay ku dhufteen garoonka, kuwaas oo sababay sida warbaahinta qaar sheegayaan khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Ruushka war ay soo saartay waxay ku sheegtay in duqeyntan ay fuliyeen diyaarado uu leeyahay maamulka Yahuudda, tallaabadanna ay muujineyso isbedel hor leh oo ” halis ah” oo uu lugaha la galay dagaalka Suuriya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.