Donald Trump Oo sii wada bah dilaada uu ku hayo madaxda Carabta.

Madaxweynaha dhimirka la’ ee Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale bahdilaad muuqata ku sameeyey madaxda wadamada carbeed, ee isbaheysiga la ah dowladaas.

Trump oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu la qabtay dhigiisa Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in qaar kamid ah dowladaha carabta ee ku yaala waxa loogu yeero mandiqadda barriga dhexe aaney hal todobaad jiri Karin, iyagoo aan haysan taageerada dowladda Maraykanka.

Wuxuu sheegay in dowladahaasi uu hodanka ku tilmaamay uu uga baahanyahay iney lacago farabadan siiyaan dowladda Maraykanka, islamarkaana si firfircoon uga qeyb qaataan howlgalka uu Maraykanku ka wado Suuriya.

Trump ayaa intaa ku daray iney si tartiib tartiib ah uga soo bixi doonaan dalka Suuriya, howshii ay u tageenna ay soo guteen, islamarkaana dowladaha carabta ay ka doonayaan iney ciidamo geeyaan halkaas, taageerana bixiyaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Donald Trump ku jees jeeso madaxda wadamada carabta, ee qeybta ka ah isbaheysiga uu hogaamiyo Maraykanka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.