Gawaari Ciidamada Shisheeye Looga Gubay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Warar aynu heleyno oo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in labo qarax oo xoogan lala eegtay gawaari kolonyo ciidamada Shisheeyaha katirsan oo marayay duleedka deegaanka Warmaxan ee u dhexeeya Afgooye iyo Walla-weyn.

Qaraxyada ayaa si toos ah u haleelay labo gaari oo kala ah Booyad iyo kuwa xamuulka qaada, waxaana gawaaridu ay noqdeen kuwa gebi ahaanba basbeelay oo baaba’ay.

Waxaa la rumeysanyahay in dhamaan Askartii saarneyd labada gaari ee la qarxiyay ay dhinteen, waxaana qaraxyada kadib ay ciidamadii kale ee saarnaa gawaarida kale ay hakiyeen socodka.

Qaraxayadan ayaa yimid kadib weeraro inqimaasi iyo Isitish-haadiyiin isugu jira oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab barqinimadii maanta ay ku qaadeen fariisimiyaasha ciidamada Shisheeyaha Yugaandha ku leeyihiin magaalada Buula-Mareer iyo deegaanka Golweyn, waxaana laga dilay Shisheeyaha 59 Askari.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.