Gudoomiye Waaxeed Muqdisho Lagu Toogtay.

Fiidkii xalay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho waxay ku toogteen gudoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabo Maxammed Macallin Xassan ayaa ahaa gudoomiye ka ahaa waaxda Kacaan ee degmada Xamar-weyne.

Ragga dilka geystay ayaa markii ay howshooda dhameysteen waxay goobta uga baxsadaan si nabad ay ku dheehantahay.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo qaaday meydka sarkaalka katirsan dowladda ee la khaarijiyay.

Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u geysaneyso askarta, saraakiisha iyo xubnaha katirsan dowladda federaalka, waxaana muuqata in awoodda ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee gudaha caasimadda ay sii kordheyso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.