Gudoomiyihii Baarlamaanka Oo Is Casilay.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, gudoomiyihii baarlamaanka dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii uu ku hayay golaha Baarlamaanka.
Jawaari oo mudooyinkii lasoo dhaafay aad ugu kacsanaa dowladda Farmaajo, islamarkaana dhexdooda uu ka jiray khilaaf curyaamiyay hay’adaha dowladda ayaa u gudbiyay warqadda is casilaada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Muuday, kaas oo kamid ah xillibaanada la safan Kheyre.
Is casilaada Jawaari waxay timid kadib todobaadyo buuq iyo jahwareer ah oo ay gashey dowladda federaalka, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono khilaafkaas, inkastoo uu meesha kabaxay mid kamid ah garabyadii uu khilaafkaas u dhexeeyay.