Howlgal Nafhurnimo oo Khasaare badan dhaliyay Oo Gaalkacyo ka dhacay.
Sida ay ku waramayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug, camaliyad istish-haadi ah oo jugteeda meelo fog fog laga maqlay ayaa ka dhacday bartamaha magaaladaas, taas oo lagu beegsaday ciidamo iyo saraakiil katirsan maamullada Puntland iyo Galmudug.
Camaliyadan Nafhurnimada ah oo goordhow dhacdady ayaa geystay khasaare farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, taas oo gaartay ciidamada isku dhafka ee labada maamul.
Taliyihii guud ee ciidamada isku dhufka maamullada Puntland iyo Galmudug gaashaanle sare Cabdi Cabdullaahi Xooreeye iyo ugu yaraan 5 sarkaal oo kale ayaa ku geeriyootay qaraxan nafhurnimada ah, waxaana jira ciidamo kale oo waxyeello kala duwan ay soo gaareen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan Istish-haadiga ah, iyadoona sheegtay iney beegsatay ciidamo la uruurinayay oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.
Gawaarida gurmadka ayaa gaaray goobta ay camaliyadu ka dhacday, waxaana ay daabulayeen meydadka iyo dhaawacyada Askarta iyo Saraakiisha ay waxyeelladu soo gaartay.