Kamiin ka dhacay Inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah waxay u dhigeen kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha.

Kamiinka oo ahaa mid xoogan ayaa loo dhigay ciidamo katirsan Shisheeyaha kuwaas oo marayay inta u dhexeysa Danow iyo Golweyn oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ciidamada loo dhigay ay kusii jeedeen magaalada Buula-Mareer.

Khasaare ayaa la rumeysanyahay inuu gaaray ciidamada Shisheeyaha, walow aan faafaahin dhameystiran laga helin.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa inta badan gobolkan waxay ku beegsataa ciidamada Shisheeyaha oo degmooyin iyo deegaanno katirsan Shabeellaha hoose duulaan ku jooga.

Waxaa aad loo xusuustaa howlgalkii weynaa ee dhawaan ciidamo katirsan Inqimaasiyiinta Mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhig ku yaala magaalada Buula-Mareer, halkaas oo ay ku dileen inkabadan 60 askari oo katirsan ciidamada dowladda Yugaandha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.