Labo Askari Oo lagu dilay Inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Weli Muqdisho iyo deegaannada dhaca hareeraheeda waxaa ka socoda howlgallada lagu ugaarsanayo ciidamada iyo saraakiisha dowladda.

Xalay fiidkii, rag hubeysan oo loo maleynayo iney katirsanyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa labo askari oo katirsan dowladda waxay mar qur ah ku dileen deegaanka Carbiska oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Askarta la toogtay waxay caan ka ahaayeen deegaanka, waxaana lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Baashi iyo Cabdi-Dhagool, midkoodna wuxuu ka tirsanaa ciidamada qaada waxa loogu yeero Canshuuraha.

Markii dilka uu dhacay kadib, waxaa goobta isaga tagay raggii dilka geystay, iyadoona goor dambe ay goobta soo gaareen askar katirsan milliteriga dowladda, kuwaas oo qaatay meydadka labada askari.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho iyo deegaannada kaabiga ku haya kusoo kordhayay dilalka iyo howlgallada qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Al-Shabaab, waxaana Sheekh Abuu Muscab oo mar sii horeysay hadlayay ku hanjabay  iney kordhin doonaan weerarada iyo howlgallada.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.