Madaxweynayaasha labada Kuuriyo Oo kulan yeeshay, iyo Rajo badan oo laga muujiyay heshiis ay gaareen labadaas dal.

Kuuriyada Wuqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed oo asal ahaan ah hal dal, balse la kala jaray, cadaawad bandanna ay u dhxeyso ayaa taariikhda dhow markii ugu horeysay waxay labada madaxweyne ee dalalkaas yeesheen kulan.

Madaxweynaha Kuuriyada Wuqooyi Kim Jong Un ayaa kasoo gudbay xuduud beenaatka khadka cagaaran ah ee u dhexeeyay labada kuuriyo, waxaana uu kulan la yeeshey dhigiisa Kuuriyada  Koonfureed Mon Jay An.

Labada madaxweyne ayaa is marxabeeyay, waxayna yeesheen kulan waqti dheer qaatay, kaas oo ay kasoo baxeen qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Waxaa qodobada kamid ah, in la joojiyo waxyaabaha dib uhurin kara dagaalka labada kuuriyo, islamarkaana meesha laga saaro hubka Nuclearka, la iskuna furo xuduuda labada dal, dibna la isugu xiro ehello badan oo ay dagaalladu kala jareen.

Inta badan dowladaha Caalamka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid taariikhi ah oo meesha ka saari doonto cabsida laga qabay inuu qarxo dagaal la isku adeegsado hubka Nuclearka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.