Magaalada Duuma ee Quudhada bari oo laga billaabay barakicinta dadka Muslimiinta.

Duuma oo ahayd magaalada keliya ee Quudhada bari katirsan, kuna sugnaayeen kooxaha kacdoon wadayaasha ayaa lagu soo waramayaa in laga billaabo daabulida dadka iyo ciidamada ku sugan ee katirsan kacdoon wadayaasha.

Heshiis dhexmaray koox katirsan kacdoon wadayaasha iyo dowladda Ruushka ayaa u gogol xaaray barakicinta dadka reer Duuma.

Hay’ad maxalli ah ayaa sheegtay in la isku afgartay in magaalada ay soo galaan ciidamo katirsan booliiska Ruushka, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan kooxaha kacdoon wadayaasha iyo dadka doonaya iney aadaan wuqooyiga Suuriya lagu daabulo basas waaweyn oo hoostaga hay’adaha Laanqeyrta cas iyo Bisha cas.

Sidan ayay magaalada Duuma ku noqoneysaa magaaladii ugu dambeysay oo katirsan Quudhada bari oo ay gacanta ku hayeen kacdoon wadayaasha oo gasha gacanta Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad.

Heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo duqeyn loo adeegsaday suntan kiimikada oo maalintii daraad ka dhacday Duuma ay ku dhinteen 150 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 1000 ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.