Maraykanka Oo Ku faanay Dadkii uu ku laayay Galgaduud.

Waa duqeyn hore oo diyaaradaha Maraykanku ku dileen dad beeraley ah.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo Africom ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegtay in diyaaradahiisa dagaalka ay duqeyn ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa si aan xishood lahayn wuxuu u sheegay in dadkii uu ku dilay duqeyntaas ay ahaayeen dagaalyahanno iyo xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

gelinkii dambe ee maalintii Axadda ayaa diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka waxay duleedka magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ku duqeeyeen gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana guud ahaan dhintay dadkii saarnaa gaariga oo gaarayay illaa 4 Ruux.

Waxay kala ahaayeen afartaas Ruux Alle ha u naxriiste, Nabadoon Cali Hiirad, Abwaan Yuusuf Dhagay, haweeney hooyo ah oo xanuunsaneyd iyo canug yar oo ay wadatay.

Duqeymaha indha la’aanta ah ee lagu beegsanayo dadka shacabka ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya tan iyo markii uu xilka dowladda Maraykanka la wareegay Donald Trump, waxaana arinta la yaabka leh ay tahay in marka duqeymahaas ay dadka shacabka ah lagu xasuuqo hadana dowladda Maraykanka ku faanto iney dishey rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxay dad badan oo Soomaali ah xusuustaan xasuuqii argagaxa lahaa ee ciidamo Maraykan iyo Soomaali isugu jira ka geysteen sanadkii hore ee 2017 meel u dhow deegaanka Bariire, halkaas oo lagu dilay inkabadan 10 ruux oo beeralay ahaa, waxaana illaa iyo hadda Maraykanku ku adkeysanayaa in dadkaas ay ahaayeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab, iyadoo weliba la ogyahay in meydadka dadkaas la geeyay magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.