Nin la Dhashey Gabar Diyaaradaha Maraykanku duqeeyeen Oo Warbaahinta la hadlay.(Dhagayso)

Waa qof shacab ah oo diyaaradaha Maraykanku ku dileen Jubbooyinka.

Qaasim Daahir Maxamed waa nin la dhashey gabar lagu magacaabo Luul Daahir Maxamed oo dhawaan ku shahiiday duqeyn diyaaradaha dowladda Maraykanka ka geysteen inta u dhexeysa magaalada Ceelbuur iyo deegaanka Dac oo katirsan Galgaduud.

Waraysi uu siiyay Idaacadaha Islaamiga ayuu Qaasim Daahir ku faafaahiyay sida loo dilay gabar walaashiis ah iyo gabar ay dhashey oo isagu abti u ahaa oo kamid noqday dad shacab ah oo diyaaradaha dowladda Maraykanka dhowr todobaad kahor ku dileen gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay Qaasim in gabadha la dhalatay iyo canugta yar ee uu abtiga u ahaa dowladda Maraykanku si ula kac ah u dishey, iyagoo arkaya iney haweeney tahay welibana canug yar sidata.

Luul kuma dhiman saaruukhii koowaad ee ay diyaaraddu soo riday, waxaana markii Alle ka badbaadiyay iyada iyo gabadheeda ay ka carareen goobta, meel 50 meter u jirta halka gaariga lagu duqeeyey ayayna ku shahiideen iyada iyo gabadheeda kadib markii diyaaradda ay si ula kac ah ula eegatay gantaal labaad.

Qaasim oo la dhashey Luul wuxuu u sheegay iney u aargudi doonaan walaashiisa iyo dhamaan dadka muslimiinta ah ee dowladda Maraykanka ah sida ula kaca ugu dishey caalamka Islaamka.

 

You might also like
1 Comment
  1. abbumuxamed al, ansaari says

    inaa illaai wa inaa ileyhiraajicuun, allow muslimiinta ugar gaar, walaahi gaalada waxay rabaan muslimiinta iney cirib tiraan, illaahow gaalada iyo murtadiinta jabe, mujaahidiintana ciribtooda sug, illaahow adaa mow lahayna ah, noogar gaar? aamiin?

Leave A Reply

Your email address will not be published.