Qaraxyo ka dhacay Baraawe iyo duleedka Buulo gaduud.
Ciidamada shisheeyaha Ugandha oo kamid ah isbahaysiga kusoo duulay dalka Soomaaliya ayaa qarax xooggan lagula eegtay magaalada Baraawe ee shabeelaha hoose.
Qaraxa ayaa dhacay goor dhaw,waxaana uu ka dhacay bar ay ku sugnaayeen shisheeyaha.
Dhawaqa qaraxa ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada.
Waxaa la rumaysanyahay in qaraxa uu sababay khasaaro soo gaaray ciidamada shisheeye.
dhanka kale Ciidamo isugu jiray Maraykan iyo Soomaali ayaa qarax lagula beegsaday meel udhaw deegaanka Buulo gaduud ee duleedka Kismaayo
lama helin faafaahin ku aadan qaraxaasi.
marar badan ayaa ciidamada Maraykanka waxaa qaraxyo iyo dagaallo lagula beegsaday deegaan udhaw magaalada Kismaayo.