Qaraxyo Lala eegtay Ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhexeya Baydhabo iyo Buur-Hakaba.

Ciidamada Itoobiya ayaa maanta waxaa qaraxyo lagula eegtay iyagoo ku safraya inta u dhexeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-Hakaba oo kawada tirsan gobolka Baay ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Qaraxyada oo gaaraya illaa iyo labo qarax waxaa uu mid kamid ah qabsaday ciidamada Itoobiyaanka iyagoo maraya inta u dhexeysa Maaya-Fuulka iyo Daynuunay, halka midka labaadna uu qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynayay iyagoo maraya Dooyada Ugaaray oo u dhexeysa Daynuunaay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa la rumeysanyahay inuu gaaray ciidamada Xabashida ee la kulmay qaraxyadan.

Wilaayada Islaamiga ee Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha lagu dhiig bixinayo Shisheeyaha gumeysi doonka ah ee xooga iyo duulaanka ku jooga ciida Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.