Sarkaal Katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Goordhow ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  waxay magaalada Muqdisho ku toogteen Sarkaal katirsan sirdoonka dowladda oo ku sugnaa degmada Waaberi.

Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Axmed Maxmuud Buulle, waxaana qeybaha sare ee jirkiisa ka toogtay rag bastoolado ku hubeysan oo katirsan Al-Shabaab.

Markii uu dilka dhacay kadib, waxaa goobta si nabad geliyo ah uga baxsaday raggii dilka geystay, waxaana xilli dambe goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda oo qaatay meydka sarkaalkooda.

Muqdisho waxaa maalmahan kusii badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo saraakiisha iyo xubnaha katirsan dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.