Sh. Abuu Cubeydah: Dagaalka Shaam ma ahan mid u gaar ah reer Shaam balse waa dagaalka Umadda (Dhageyso+Akhriso)

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Axmad Cumar Abuu Cubeydah  ayaa jeediyey kalimad uu kaga hadlayo xaaladda dhulka barakeysan ee Shaam oo sanado xiriir ah wajahaya duullaan wuxuushnimo oo ay hor kacayaan reer-galbeedka iyo kuwa bari oo kaashanaya saaxiibadooda gobolka.

Kalimadan oo la dhageysan karo muddo 29 daqiiqo ah kuna baxeysa luuqada Carabiga ayuu ugu horeyn Sheykh Abuu Cubeydah ku soo hadal qaadayaa duullaankii bahalnimo ee ciidamada Ruushka iyo kuwa Nidaamka Al-Asad ku qaadeen Guudhada bari oo lagu dilay kumanaan Muslimiin ah.

“Walaalahayga Muslimiinta meel walba oo ay joogaan, waxaan nafteena iyo guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan reer Shaam uga tacsiyeyneynaa dhibaatadii ku dhacday walaaheneena Muslimiinta ah ee Ghuudada Bari, waxaan Allaah ka baryaynaa inuu shuhadadooda aqbalo, dhaawacooduna caafiyo” ayuu yiri Sheykh Abuu Cubeydah.

Dagaalka Shaam waa dagaalka Umadda

Sheykh Abuu Cubeydah ayaa sheegay in dagaalka ay maanta ku jiraan Muslimiinta reer Shaam uu yahay dagaal salka ku haya caqiidada iyo towxiidka, Isagoona meesha ka saaray shicaaraatka iyo hal ku dhigyada ay ku hadaaqayaan kuwa damacsan marin habaabinta Muslimiinta.

“Walaalaheyga Muslimiinta ee Shaam ku suganow, dagaalka aad maanta ku jirtaan waa dagaal u dhexeeya Kitaabka qur’aanka iyo saliibka, waa dagaal u dhexeeya towxiidka iyo diin la’aanta, waana dagaal gundhigiisu yahay caqiidada oo u dhexeeya Muslimiinta oo dhamaatood dhinac ah iyo gaalada oo dhamaantood dhinaca kale ah” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Sheykh Abuu Cubeydah sheegay in dagaalka Shaam uusan ahayn mid u gaar ah dadka reer Shaam balse taasi badalkeed uu yahay dagaalka Muslimiinta oo dhan. Wuxuu tibaaxay in qof waliba oo Muslim ah loo baahan yahay inuu u gurmado walaalihiisa reer Shaam, uuna waajibka ugu horeeyo ku dhacayo Muslimiinta dagan hareeraha Shaam.

“Sheykhul Islaam Ibnu Teymiyah wuxuu leeyahay: Haddii cadowgu soo galo dhulka Muslimiinta, waxaan shaki ku jirin in ay waajib tahay in la iska dhiciyo, hadba sida loo kala dhowyahay. Sababtoo ah dhulalka Muslimiintu waxay ka dhigan yihiin sida hal dhul oo kaliya, waxaana waajib ah in loo gurmado iyadoon idin laga qaadaneynin waalid iyo mid deyn kugu leh” ayuu yiri Sheykh Abuu Cubeydah Allaha xifdiyee.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa ku waajibaya Muslimiinta deriska la ah Shaam in ay u soo gurmadaan walaalahooda Shaam intey goori goor tahay. Dadka ugu horeeya ee uu waajibkaas ku dhacayana waa muslimiinta ku nool Turkiga oo uu waajib ku yahay in ay walaalahooda Shaam ugu gargaaraan rag iyo maal intuba, waxaa sidoo kale la gudboon in ay ku baraarugaan kaalinta halista ah ee looga soo horjeedo Islaamka iyo ehelkiisa ee ay ku kaceyso Xukuumada Erdogan ee cilmaaniga” ayuu yiri.

Hagardaamada Turkiga

Sheykh Abuu Cubeydah wuxuu ku dheeraaday ka hadalka hagardaamooyinka iyo dabin daabyada Turkigu u maleegayo guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan reer Shaam, Isagoo soo hadal qaaday falalka gurracan ee uu ka wado Soomaaliya, Shaam iyo Afghanistan ee uu ku garabsiinayo Reer galbeedka.

“Nidaamka Turkiga ee Cilmaaniga ah wuxuu xubin ka yahay isbaheysiga saliibiyiinta, wuxuu aqoonsan yahay Yahuudda xoogga ku heysta magaalada Barakeysan ee Qudus iyo dhulka Filistiin, wuxuuna xiriir gacaltooyo la leeyahay Mareykanka oo ah hormuudka gaalnimada caalamka, wuxuu kaloo xiriir gacaltooyo la leeyahay Ruushka duqeynaya walaalihiina, garabna siinaya nidaamka Al-Asad, Soomaaliyada Muslimka ahna waxay xukuumada Turkiga ee ridada ah garab taagan tahay ciidamada saliibiyiinta ee Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa kale, iyagoo taageeraya saliibiyiinta Itoobiya, Kenya iyo Uganda ee xoogga ku heysta wadanka” ayuu yiri Sheekha.

Midnimada Muslimiinta

Sheykh Abuu Cubeydah, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in gaalada  aysan abid u midoobin sida ay maanta ugu midoobeen dadka reer Shaam, wuxuuna tilmaamay in dagaalkan ay u kulmeen dhamaan galada, si kastoo diimahoodu u kala duwan yihiin, danahooda siyaasadeedna u kala fog yihiin. Wuxuu tibaaxay in wax aanan ka ahayn midnimo aanan lagu wajihi karin dadkaas u midoobay gumaadka Muslimiinta Shaam.

“Arintan waxay idinku waajibineysaa inaad idinkuna ku midowdaan kalimadda towxiidka, aadna iska ilowdaan khilaafaatka dhexdiina yaalla, lana dagaalantaan gaalada idinkoo hal saf ah, sida uu Allaah jecelyahay. Midnimadaas iimaaniga ah ayeyna jabhadda Shaam ku noqoneysaa qeyb aanan ka go’i karin Jabahaadka Islaamiga ee ka jihaadaya caalamka ee difaacaya xuduudaha Islaamka” ayuu yiri Sheekha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: Walaalaheyga Muslimiinta ee Shaam ku suganow: Haddii xamladii salaaxadiin Al-Ayubi ee lagu furtay beytul Maqdis ay dhameystir u ahayd shaqadii uu soo qabtay Sheekhiisii shahiiday ee Nuuradiin –Allaha u wada naxariistee- idinkuna halgankiinu ha noqoto mid dhameystir u ah shaqadii Al-Mullah Maxamed Cumar Raximahullaah kaas oo dowladiisa iyo boqortooyadiisii u huray kalimada towxiidka darteed”.

Ugu dambeyntii Sheykh Abuu Cubeydah wuxuu muslimiinta Shaam ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan halgan dheer iyo maalin aan maanta ahayn, maankana ku hayaan in Shaam ay tahay ubucda daarta mu’miniinta, una howlgalaan sidii ay u farxad gelin lahaayeen quluubta dadka Muslimiinta ah ee indhaha ku haya dhufeyska Shaam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.