Taliyaha PS-ta maamulka Koonfur-Galbeed Oo Shaqada laga Eryay.

War kasoo baxay xafiiska Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Amxaaro kal-kaalka ah ee Koonfur Gableed ayaa lagu iclaamiyay in xilka laga qaaday Taliyihii BS-ta ee maamulkaas.

Warka kasoo baxay Shariif waxaa lagu eedayay Taliyaha BS-ta Ibraahim Isgowe inaanu gudan howlihii loo igmaday, islamarkaana uu la yimid amar diido.

Khilaafka u dhexeeya ninkan iyo Shariif ayaa in muda ah soo jiitamayay, waxaana maanta uu waayay shaqadii uu hayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.