Wargeyska The Guardian oo Sheegay In 46 Askari Ugnda Looga Dilay Weerarkii Buulo-Mareer.

Waa ciidamo katirsan guutada Sheekh Abuu Zubeyr oo ka dagaalamaya Jannaale 2015

 
Wargeyska the Guardian ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisii shalay ku sheegay in ku dhawaad 50 askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye lagu dilay weeraradii qorsheysnaa ee ka dhacay Golweyn iyo Buul-omareer taariikhdu markey ahayd 01-04-2018.

Xota khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay weerarada ayuu wargeyskani kasoo xigtay saraakiil shisheeyaha ka tirsan oo ku sugan degmada Buula-Mareer, waxaana ay u sheegeen in laga dilay ugu yaraan 46 ka mid ah askarta dowlada Uganda ee ku sugnaa Buulo-mareer.

Intaa waxa dheer in xukuumadda Kambala ay geesteeda qirtay in weeraro si aad ah loo soo qorsheeyay lagu qaaday saldhigyada ciidamadeeda ee Golweyn iyo Buula-Mareer, laakin waxay afka ku ballaarisay in weeraradaasi looga dilay afar askari oo qura! sidoo kalana looga dhaawacay lix kale. Hase ahaato e’ jariidadda ayaa daboolka ka qaatay in khasaarahu ka badan yahay inta ay dowladda Uganda saxaafadda u sheegtay.

Wargeyska ayaa tilmaamay in ciidamada Al-Shabaab ay weerarka daah fur uga dhigeen camaliyad naf hurnimo ah, ka dibna ay ciidamo hubeysan u daateen xerada sida uu kasoo xigtay goob-joogayaal iyo saraakiil degaanka ku sugan. Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weeraro kale oo naf hurnimo ah kala hor tageen askar ku sugnayd Golweyn oo la filayey in ay u soo gurmadaan saaxiibadooda.

“Waxay ahayd xilli saacadu ku beegneyd 09:00am markii qaraxa ugu horeeyey lala helay saldhigga, wuxuuna ahaa gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, ka dibna dagaal xoogan ayaa ka qarxay goobta” sidaasi waxaa wargeyska u sheegay Cali Maxamed oo ah qof Beeraley oo ay Telefoonka ku wareysteen.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “ Waxaan arkay uuro fara badan oo ka soo baxeysa gudaha saldhigga” Wuxuu tilmaamay in daqiiqado ka dib la maqlay jugta qaraxii labaad oo lala eegtay ciidamo ku sugnaa Golweyn kuwaas oo gurmad u soo sameyn lahaa saaxiibadooda weerarku ku qabsaday Buula-Mareer.

Abdi Nuur Xaashi oo ah Korneel ka tirsan ciidamada DF oo fariisin ku leh meel u dhow saldhigga ciidamada Uganda ayaa sidoo kale laga soo xigtay in weeraradaas lagu dilay ugu yaraan 46 ka mid ah ciidamada AMISOM ee ka soo jeeda dalka Uganda.

“Inta badan askarta la laayey waxay ahaayeen saaxiibadeena, si wadajir ah ayaan u wada qeybsan jirnay cuntada iyo cabitaanka marka aan joogno xeradooda” sidaas waxaa Guardian u sheegay Abdi Nuur oo ah Korneel ka tirsan DF. “Waan isku daynay inaan caawino saaxiibadeena Uganda laakiin waxaa sidoo kale jiray weerar lagu soo qaaday saldhigeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ciidamada Uganda ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray ka dib markii lagu guuldareystay in durbaba dhaawacyadooda loo daabulo Muqdisho ama uu soo gaaro gargaar caafimaad oo degdeg ah, Wuxuuna arintaas sabab uga dhigay in ciidamada Al-Shabaab ay xireen dhamaan wadooyinkii soo galayey saldhigga.
Ilaha laga soo xigtay dhacdadan ayaa ah kuwa kala duwan oo badan.

C/fataax Xaaji Cabdulle oo ku magacaaban gudoomiye ku xigeenka Sh/hoose ayaa isna The Guardian u sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay weerareen ugu yaraan afar saldhig oo kale oo ciidamada DF ay ku leeyihiin hareeraha degmada Buula-Mareer. “Khasaaruhu wuu ka badnaan karaa inta aan anaga ku qiimeynay, kuwani waxay ahaayeen weeraro abaabulan oo isku xiran” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wargeyska ayaa sheegay in xaaladdan ay beesha caalamka ku abuureyso cabsi la xiriirta masiirka DF iyo maamulada kale ee ay ka dhisteen Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa weeraradii Gowlweyn iyo Buulomareer laga dheehan karayaa in khasaare lixdaad leh uu gaaray askarta Uganda. Dowladda Uganda waxay sheegtay in laga dilay 4 askari oo qura xilli taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay sheegeen in ugu yaraan 59 askari lagu dilay weerarada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.