Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo Booqasho ku tagay dhulka Xarameynka.

Mike Penio oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka, dhawaanna ay Aqalka Odayaasha Maraykanku ansixiyeen ayaa booqashadii ugu horeysay wuxuu ku tagay dhulka Xarameynka, halkaas oo uu kula kulmay qaar kamid ah madaxda maamulka Aala-Sucuud.

Booqashadan oo noqneysa tii ugu horeysay markii xilka wasaaradda rimaha dibadda loo dhiibaya ayaa qaadan doonta saddex maalin, waxaana uu mari doonaa wadanka Urudn iyo dhulka Filastiin ee Yahuudu xooga ku heystaan.

Dhigiisa maamulka Aala-Sucuud Caadil Al-jubeyr ayuu la kulmay Mike Penio, iyo sidoo kale dhaxalsugaha maamulkas Muxamed bin Salmaan, kuwaas oo kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jirto go’doonka saaran dalka Qadar.

Kahor inta aanu loo dhiibin wasaaradda arimaha dibadda waxaa xilkaas hayay Tellerson, kaas oo markii ay khilaafaat soo kala dhex galeen isaga iyo Trump xilka laga eryay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.