Weerar Gaari jiirsiin ah oo ka dhacay Canada iyo Dad ku dhintay.

Dalka Canada, qof kaxeynayay gaari ayaa jiiray dad ku sugnaa magaalada Toronto ee caasimadda wadankaasi.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay gaari jiirsiin, halka ay ku dhaawacmeen 16 ruux oo kale.

Booliiska dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta ku dhigeen ruuxa kaxeynayay gaariga xamuulka ah ee dadka jiiray, waxaana Booliisku sheegeen in weerarkan aanu ahayn waxa loogu yeero weerar “ argagaxiso”, qofka fuliyeyna lagu magacabo Alek Miyansian.

Ra’iisul wasaaraha Canada Jaston ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid xanuun badan, wuxuuna sheegay inaanu ogeyn inuu ula kac ahaa ama ay si kale wax u dheceen.

Markii weerarka gaari jiirsiinta ah uu dhacay waxaa gebi ahaanba la xiray wadada ay dadku isticmaalayeen, iyadoona ciidamo farabadan lasoo dhoobay.

Wadamada Reer galbeedka inta badan marka ay ka dhacaan weeraro, qofka weerarkaas fuliya uu yahay qof muslim ah waxaa lagu tilmaamaa weerar argagaxiso, halka marka qof aan muslim ahayn uu weerarkaas fuliyo durba warbaahinta iyo madaxda reer galbeedka ay ku tilmaamaan weerar argagaxiso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.