Xubin katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu Toogtay, iyo Sarkaal sare oo katirsan Maamulka Banaadir Oo isku day dil ka badbaaday.

Cali Maxamad Cabdulle oo ku magac dheer Mad ganay, ahna xubin katirsan sirdoonka dowladda federaalka, waxna kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed ayaa xalay waxaa lagu toogtay xaafadda Dabaqeynka ee degmada Dharkenlay.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa toogtay ninkan, kuwaas oo markii ay dilka geysteen kadib goobta uga dhaqaaqay si nabad geliyo ay ku dheehantahay.

Isla degmada waxaa ka dhacay qarax lala eegtay mas’uul katirsan maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda federaalka.

Gaari uu watay gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda maamulka degmada Dharkenlay ayuu qaraxa qabsaday, balse waxaa lagu soo waramayaa inuu ka badbaaday.

Askari istaaf u ahaa gudoomiye ku xigeenka ayaa ku dhintay qaraxa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.