Yaman; Diyaaradaha maamulka Aala-Sucuud Oo Dad shacab ah ku laayay Goob ay ka socotay Xaflad Aroos.

Wararka naga soo gaaraya dalka Yaman ayaa sheegaya in diyaaradaha maamulka Aala-Sucuud ay ku keceen xasuuq foolxumo badan, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen inkabadan 50 ruux.

Diyaaradaha Aala-Sucuud ayaa duqeeyay goob ay ka socotay xaflad aroos oo kamid ah gobolka  Xajja ee galbeedka wadanka Yaman, waxana xafladii farxadda ay isku bedeshey murugo iyo taczi.

Ugu yaraan 15 ruux oo kamid ah dadka goobjooga ahaa xafladda ayaa ku dhintay duqeyntan wuxuushinomo ah, waxaana tirada dhaawaca uu gaarayaa illaa iyo 40 ruux.

Ilo caafimaad oo ku sugan Xajja ayaa sheegay in qaar kamid ah dhaawacyada ay xaaladoodu liidato, islamarkaana ay suuragal tahay iney geeriyoodaan.

Gawaarida Ambalasta ayaa soo gaaray goobta ay musiibadu ka dhacday, waxaana ay daabulayeen dad six un u go’ go’ay.

Isbitaalka guud ee Xajja ayaa ugu baaqay dadka iney dhiigooda ugu tabarrucaan qaar kamid ah dadka dhaawacan oo si xun u dhiig baxay.

Ma ahan hal iyo labo inta diyaaradaha isbaheysiga carbeed gaar ahaan kuwa maamulka Aala-Sucuud ay gumaad ula kac ah iyo duqeymo indha la’aan ah ku garaacaan goobo ay dad shacab ah joogaan, waxaana gumaadkan hagaya oo masuul ka ah Muxamed bin Salmaan oo ah wasiirka gaashandhiga ee maamulka Aala-Sucuud.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.