Askar Badan Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Wadada Xiririsa Muqdisho iyo Baydhabo.

War goordhow kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in qarax miino lala eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Gaariga Cabdi bilaha oo ay saarnaayeen askar badan ayaa la qarxiyay isagoo marayay duleedka degmada  Walla-weyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu yaraan 10 Askari ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas kasii bato.

Howlgallada iyo weerarada ka dhanka ah Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda ayaa si xiriir leh waxay uga socdaan gobollada dhaca koonfurta, bartamaha, iyo bariga Soomaaliya, waxaana si isku mid ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u beegsataa cid weliba oo ku saf noqota Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.