Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Weeraray Isbaaro Askarta Dowladu soo dhigteen Suuqa-Xoolaha.

Habeenimadii xalay ayaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaal fool ka fool ah ku qaadeen Askar katirsan dowladda federaalka oo isbaaro ay dadka ku baartaan soo dhigtay xaafadda Suuqa-Xoolaha ee degmada Hiliwaa gobolka Banaadir.

Dagaalka oo ahaa mid qaraar, la iskuna adeegsaday rasaasta noocyadeeda kala duwan ayaa in muda ah socday, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay aad u hubeysnaayeen.

Isbaarada la weeraray ayaa ku taalla Biya-degeenka Suuqa-Xoolaha, waxaana ciidamada jooga ay inta badan dhibaateeyaan dadka iyo gaadiidka, iyagoona ka qaata lacago baad ah.

Bisha Ramadaan, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada iyo howlgallada ay ka fulinayaan gobolka Banaadir, xilli dowladda federaalka ay mar weliba sheegeyso iney adkeysay amaanka magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.