Dhagayso: Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Jeediyay Kalimad Muhiim ah.

Mu’assasada Al-kataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay kalimad muhiim ah oo uu jeedinayo amiirka Xarakada Sheykh Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Kalimadan oo loo intaajiyay hab muuqaal ah waxaa la daawan karaa 22 daqiiqo, wuxuuna Sheekhu si gaar ah ugula hadlayaa Mujaahidiinta Jaziiratul Carab iyo qabaa’ilka muslimiinta ee dega Yaman.

Sheekh Abuu Cubeyda wuxuu ugu baaqay Mujaahidiinta Alqaacida ee ka dagaallamaya Yaman iney sugnaadaan, islamarkaana sii wadaan dagaalka tan iyo inta dhulka Yaman loogu soo dabaalayo ku dhaqanka Shareeacda Islaamka.

“Walaalaheyga Mujaahidiinta ku sugan Yementa xikmadda iyo Iimaanka, Ogaada in yoolka Jihaadkiinu uu yahay in Allaah oo kaliya loo xaqiijiyo Cubuudiyada isagoo aanan cidna lala wadaajineynin iyo in la isku maamulo shareecada Islaamka, haddii qeyb ka mid ah diinta loo sugo Allaah, qeybta kalena loo sugo cid aan Allaah ahayn waxaa waajibaya dagaal ilaa Diinta oo dhan ay Allaah u sugnaaneyso” ayuu yiri Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Wuxuu dhanka kale Sheekha baaq muhiim ah u jeediyay Qabaa’ilka Ahlu Sunnaha ee dalka Yaman, isagoo ugu baaqay iney isgarab taagaan Mujaahidiinta, islamarkaana ay taageeraan.

Tarjamada Afsoomaaliga ee kalimadda Sheekh Abuu Cubeyda waxaan kusoo gudbin doonnaa wararka iyo barnaamijyada Idaacadda Al-Furqaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.