Dil iyo Dagaal Ka dhacay Gobolka Banaadir.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacay howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen noocyada kala duwan ee Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday warshaddi hore ee Barafuunka, oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Dagaal kooban ayaa goobta ka dhacay, waxaana markaas kadib goobta isaga tagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada dowladda.

Dhanka kale, rag ku hubeysnaa bastoolado oo katirsan  Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sarkaal katirsan dowladda hoose ee gobolka Banaadir ku dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay oo katirsanaa qeybta Canshuurta ayaa magaciisa lagu soo koobay Sheebeey, waxaana lagu dilay Tabeellaha Sheekh Ibraahim.

Qori iyo Gaari uu watay Sheebey ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta ee fuliyay howlgalka, waxaana meydka sarkaalka xilli dambe goobta ka qaaday ciidamo katirsan dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.