Dowladda Suudaan oo qorsheyneysa iney isaga baxdo Taxaalufka Carbeed ee howgallada kawada wadanka Yaman.

Ciidamo badan oo kasocoda dowladda Suudaan ayaa qeyb ka ah kuwa carbeed ee howlgallada ka wada wadanka Yaman, halkaas oo intiisa badan ay gacanta ku dhigeen malleeshiyaad shiico Iiraan ka amar qaata.

Xukuumadda Suudaan ayaa diraaseyneysa ahdaafta ay xaqiijiyeen ciidamadooda, iyo in ujeedooyinkii hore ee ay u tageen Yaman wax kamid ah la xaqiijiyay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca ee dowladda Suudaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadooda ay wado diraaso ballaaran oo lagu eegayo faa’idooyinka iyo khasaaraha ay ka helayaan dagaalka ka socoda wadanka Yaman, ee la sheegayo in lagula jiro Xuuthiyiinta.

Arintan ayaa timid, kadib markii dhawaanahan Shacabka Suudaan iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka wadankaas ay soo jeediyeen in ciidamadooda gebi ahaanba laga soo saaro wadanka Yaman, islamarkaana aaney Sudaan wax dan ahi ugu jirin kasii mid ahaanshiha isbaheysiga Yaman howgallada kawada.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.