Dowladda Yeman oo qorsheyneysa iney Qaramada midoobay u gudbiso dacwo ka dhan ah Imaaraadka.

Dowladda Yeman ayaa waxay qorsheeneysaa iney Qaramada midoobay u gudbiso dacwad ka dhan ah dhiggeeda Imaaraadka carabta, kadib markii uu sii baahay khilaafkii u dhaxeeyay.

Mas’uul sare oo katirsan dowladda Yemna, lana hadlay wakaaladda warar “AP” ayaa shaaca ka qaaday iney diraaseynayaan iney warqad dacwo ah u qoraan Qaramada Midoobay, taas oo ay kaga  codsanayaan in Imaaraatka laga eryo guud ahaan dalka Yaman.

Khilaafka dowladaha Imaaraatka iyo Yaman, ayaa soo shaac baxay todobaadkii hore, gaar ahaan markii wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha Yaman Axmed Daqar uu booqasho kuyimid jaziiradda istiraatiijiga ah ee Suqadhra.

Imaaraatka oo booqashadan ka carooday ayaa iyagana dhankooda waxay ciidamo farabadan oo diyaarado ku yimid kasoo dejiyeen garoonka Jaziiradda Suqadhri, kuwaas oo kala diray mas’uuliyintii dowladda ee ku sugnaa garoonka.

Guddi ka socoday maamulka Aala-Sucuud oo soo gaaray Jaziiradda, uu u kala dhexgalo labada dhinac ayuu ku laabtay halkii uu kayimid iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo ay ka gaareen wadahadalka.

Mas’uulka katirsan dowladda Yaman ee la hadlay AP ayaa shaaca ka qaaday in waxa Imaaraatku ka wado guud ahaan Yaman, gaar ahaan Saqadhra, lagu tilmaami karo gumeysi muuqda, isagoona sheegay inaaney ogolaan doonin.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qeyb ka ah isbahaysiga carbeed ee hawl gallada ka wada wadanka Yeman, waxaana imaaraadka lagu eedeeyay fara galin toos ah iyo mid dadban oo uu ku sameeyo nidaamka C/rabi Haadi Mansuur.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.