Imaaraatka oo kala diray maamulkii Jaziiradda Saqadhri ee Yaman iyo Khilaafaad bannaanka usoo baxay.

Saacado un kadib markii ra’iisul wasaaraha xukuumadda Yaman uu soo gaaray Jaziiradda Saqadhri ayaa dowladda Imaaraatka waxay si lama filaan ah u keentay jaziiradaas ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo la wareegay goobaha istiraatiijiga ah ee Jaziiradda.

Afar diyaaradood oo siday ciidamo gaaraya 100 askari iyo gawaarida dagaalka ayaa la wareegay garoonka Jaziiradda Saqadhri, waxayna kala direen ciidamadii iyo mas’uuliyiintii xukuumadda Cabdi-Rabbi Haadi Mansuur.

Dowladda Imaaraatka ayaa u muuqaneysa iney is laheysiineyso Jaziiradan istiraatiijiga ah ee dhacda inta u dhexeysa gacanka Cadan iyo badweynta Hindiya.

Wafdi kasocda taliska ciidamada maamulka Aala-Sucuud ee Yaman ayaa soo gaaray Jaziiradda, kuwaas oo doonayay iney hoos u dhigaan guuxa iyo khilaafka ka jira Saqadhri, waxaana Imaaraatku garoonka ka eryeen saraakiil Yamaniyiin ah oo doonayay iney soo dhaweeyana wafdigaas.

Arintan ayaa muujineysa halka uu gaarsiisanyahay damaca dowladda yar ee Imaaraatka, oo dhibaato aan la qiyaasi Karin kawada wadanka Yaman, waxaana hoos yimaada kumanaan askari oo malleshiyaad ah, kuwaas oo fuliya awaamiirta Muxamed bin Zaayid.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.