Inkabadan 10 Askari Oo ku dhintay Weerar Nafhurnimo Oo ka dhacay Afgooye.

Duhurnimadii maanta ayaa Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab oo kaxeynayay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa wuxuu beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamada sida gaarka ah u hoostaga Maraykanka ee loo yaqaano Bankraft.

Qaraxa oo ahaa mid culus islamarkaana hadafkii loogu talagay asiibay ayaa lagu soo waramayaa inuu burburiyay gaari nooca cabdi bile ah oo ay la socdeen ciidamada Bankraft.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab  waxaa lagu sheegay in 12 askari oo katirsan ciidamada Maraykanka u adeega ay ku dhinteen camaliyadaas istish-haadiga ah.

Ciidamada Bankrafta ayaa marar badan waxay ku lug yeesheen xasuuqyo argagax leh oo ciidamada Maraykanka u geysteen shacab masaakiin ah oo ku sugan gobollada Shabeellaha hoose, Jubbada-dhexe iyo Shabeellaha dhexe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.