Inkabadan 10 Askari Oo Maraykan ah Oo ku dhintay Burbur Diyaaradeed.

Burbur diyaaradeed oo ku yimid mid kamid ah diyaaradaha milliteriga dowladda Maraykanka ayaa sababay khasaare farabadan oo dhimasho ah, kaas oo gaaray ciidamada Ameerikaanka.

Diyaarad nooca xamuulka iyo dadka qaada ah ayaa ku burburtay gobolka Jorjiya ee gudaha dalka Maraykanka, waxaana wararka horudhac ah ee la helayo ay ku waramayaan iney ku dhinteen kudhowaad 20 askari oo Maraykan ah.

Inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay burburka diyaaradda, hadana khasaaraha ka dhashey ayaa ah mid aad u ballaaran, waxaana warar horudhac ah xaqiijinayaan in dhimashu ay mareyso 16 Askari.

Musiibooyinka noocan ah ayaa ku badan ciidamada Maraykanka oo dagaallo furan kaga jira wadamada caalamka Islaamka, waxaana muuqata in gabood fallada ay geystaan uu Alle ka abaal marinayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.