Kudhawaad 20 Askari Kenyan Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Xuduud beenaatka.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbooyinka ayaa sheegaya in qarax culus oo khasaare badan dhaliyay lala eegtay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsna Kenyaatiga xooga ku jooga Soomaaliya.

Gaari nooca xamuulka ah oo kasoo gudbey xudud beenaatka, ayaa isagoo kusoo dhow magaalada Dhoobley waxaa lala eegtay qarax miino oo dhulka lagu aasay, waxaana gebi ahaanba goobta ku basbeelay gaariga iyo wixii saarnaa.

Warar aanu heleyno waxay xaqiijinayaan in dhamaan Askartii saarneyd gaariga oo tiradoodu gaareysay 15 askari ay intooda badan dhinteen, halka kuwa kalana ay  dhaawacmeen.

Ciidamadan kasoo gudbey dhanka xuduud beenaatka, kuna soo wajahnaa Dhooblay ayaa la kulmay dharbaaxsho kulul, taas oo Mujaahidiinta u suuragelisya iney is hortaagaan ciidamo hor leh oo qeyb ka ahaan lahaa ciidanka gumaadaya shacabkeena Soomaaliyeed.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aad u isticmaala qaraxyada dhulka lagu aaso, waxaana muuqaneysa in qaraxyadan ay saameyn ba’an ku yeesheen Shisheeyaha, taas oo keentay in saraakiisha Shisheeyaha mar weliba oo ay hadlayaan ay ka cabtaan awoodda Qaraxyada ay isticmaalaan Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.