Maamulka Idaacadda Al-Furqaan Oo Muslimiinta Ugu hambaleynaya Bilashada Bisha Ramadaan.

Maamulka iyo Wariyaasha Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa Umadda muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah meel weliba oo uu joogo waxay ugu hambalyeyneysaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaan Alle ka baryeynaa inaan noqono dad ka faa’ideysta fadaa’isha iyo kheyraatka ku jira bishan oo aan lasoo koobi karin.

Maamulku, wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in qof weliba uu ka warqabo dadka danyarta ah ee masaakiinta ah, kuwaas oo aan qaarkood heli karin Afurka iyo waxyaabaha lamidka ah.

Dhanka kale waxaan ugu bishaareyneynaa Dhagaystayaasha Idaacadda, iyo dadka nagala socoda baraha Internetka in Idaacaddu ay soo gudbin doonto duruus iyo barnaamijyo gaar ah, oo wax tar u leh umadda Soomaaliyeed.

Duruusta aan soo gudbin doonno waxaa kamid ah risaalada Al-Zuhdu War-raqaa’iq, Silatu-raxim, iyo Al-cumdatu Fil Ma’ra.

Waxaa intaas dheer inaan soo gudbin doonno barnaamij taariikh ah oo loogu magacdaray “Dhaxalkii Awoowyaasheena Yaa soo dhicin doona?” waxaana barnaamijka looga hadli doonaa halgankii Imaam Axmed Guray.

You might also like
1 Comment
  1. Qaddafi says

    Wad mahad san Rohingya

Leave A Reply

Your email address will not be published.