Sawirro: Madaxweynaha Kenya Oo ka Tacsiyeeyay Askar Looga dilay Dhooblay Soomaaliya.

Uhuru Kenyata; madaxweynaha Kenya.

Uhuru Kenyata, madaxweynaha wadanka Kenya ayaa ka tacsiyeeyay ciidamo katirsan Askartiisa oo dhawaan lagu dilay qarax ka dhacay duleedka degmada Dhooblay oo dhacda xuduud beenaatka Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru ayaa sheegay inuu u tacsiyeynaayo ciidamadiisa oo uu ku tilmaamay iney yihiin ” geesiyaal” difaacayay Kenya.

Qoysaska ciidamada ku dhintay qaraxa Dhooblay duleedkeeda ka dhacay ayuu u rajeeyay iney adkeystaan, islamarkaana ku sabraan wiilashooda dhintay.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax miino lala eegtay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen ciidamo kenyaati ah, kaas oo kasoo gudbay xuduud beenaatka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana qaraxaas ku  dhintay guud ahaan ciidamadii saarnaa gaariga oo gaarayay 15 Askari.

Shalay ayaaa warbaahinta Kenya waxay baahiyeen sawirro muujinaya burburka gaariga gaaray, waxaana sawirrada laga arkayaa iyadoo gaarigu u kala dhacay labo qeybood, taas oo muujineysa awoodda qaraxyada ay adeegsadaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.