Nasaarada Kenya Oo ka barakacaya Deegaannada Laamu iyo NFD.

Xilli dhawaan ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ka geysteen deegaan hoosyimaada magaalada Mandheera, kuna dileen 5 ruux oo Kenyaati ah ayaa Nasaarada Kenya ee xooga lagu deegaameeyay dhulka Muslimiinta waxay billaabeen iney barakacaan.

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ee qaabilsan dhulka Soomaaliyeed ee Kenyaatigu heystaan iyo xeebaha Laamu ayaa warbaahinta u sheegay in qoysas badan oo Kenyaati ah billaabeen iney ka cararaan guryahooda.

Dadkan barakacaya ayaa ka cabsanaya iney la kulmaan weeraro ay soo qaadan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo si toos ah u beegsada Nasaarada Kenyaatiga ee xooga lagu deegaameeyay dhulalka Muslimiinta.

Shacabka Kenyaatiga ayaan heysan awood ciidan oo ka difaaci karta weerarada Mujaahidiinta, waana mida ku qasbeysa iney u cararaan gudaha Kenya gaar ahaan gobollada ay isleeyihiin waad ku nabad geli kartaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.