Qarax Askar Kenyaati ah Dhimasho iyo Dhaawac ku noqdeen Oo Mandheera ka dhacay.

Ciidamo katirsan dowladda Kenya ayaa saaka qarax lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Dabaasiti oo hoostaga magaalada Mandheera ee katirsan dhulka Soomaalida ee Kenya ay xooga ku heysato.

Qaraxa oo ahaa nooca wadada lagu aaso ayaa haleelay gaari ciidan oo ay saarnaayeen Askarta  loo yaqaano GSU ee koofiya guduuda ah.

Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay 4 kale oo qaarkood xaaladoodu ay halis tahay, iyadoona gaariga qaraxa uu haleeley uu soo gaaray burbur xoog leh.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan dowladda Kenya qarax lagula eegtay iyagoo kasoo tallaabay xuduud beenaatka, kuna soo dhow degmada Dhooblay, waxaana qaraxaas ku dhintay guud ahaan ciidamadii saarneyd gaariga oo tiradoodu gaareysay 15 Askari.

Madaxweynaha Kenya ninka lagu magacaabo Uhuru Kenyata ayaa ka tacsiyeeyay askarta qaraxaas looga dilay, wuxuuna qirtay in 9 askari ay ku naf waayeen qaraxaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.