Saldhiga Turkiga ee Muqdisho Oo Hoobiyaal Lagu Garaacay.

Guutooyinka madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saaka madaafiic xoogan ku garaacay saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

14 Madfac oo ka dhaca qoriga Hoobiyaha ayaa gudaha u galay saldhiga Turkiga, oo xilligaas ay kuwada sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan Turkiga iyo kuwa dowladda Federaalka.

Markii Hoobiyaashu ku dheceen gudaha saldhiga ayaa waxaa damay leyrarkii ka shidnaa Saldhiga, taas oo muujinaysa in waxyeellooyin ba’an ay geystay duqeynta.

Warar kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya iney jiraan khasaaro nafeed iyo mid maadi ah oo ka dhashey duqeyntan oo noqoneysa tii ugu horeysay oo lagu qaado saldhiga Turkiga ka furteen magaalada Muqdisho.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyadda Weerarkan.

Majirto weli wax war ah oo kasoo baxay Turkiga ama dowladda federaalka oo ku aadan weerarka aroornimadii hore ee saaka lagu qaaday Saldhiga Turkidu ku tababaraan ciidamo katirsan dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.