Taliska Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo ka Warbixiyay Duqeyntii lagu garaacay Saldhiga Turkiga.

Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta islaamiga ayaa ka warbixiyay weerar duqeymo ahaa oo aroornimadii hore ee maalintii shalay lagu qaaday saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho.
SHeekha waxa uu sheegay iney dhowr madfac ku hubsadeen gudaha saldhiga Turkiga, kuwaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid maaddi intuba.
Abuu Muscab, Afhayeenka howlgallada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu shaaca ka qaaday iney isku mid u yihiin askariga Turkiga, kan Itoobiyaanka, iyo Ugaandheeska, wuxuuna sheegay iney waajib ku tahay iney dhamaantooda la dagaallamaan.
Afhayeenka oo hadlayay ayaa intaa ku daray iney jiri doonaan weeraro hor leh oo uu la kulmi doono saldhiga Turkiga oo lagu tababaro askar katirsan dowladda federaalka.
Dhanka kale Sheekha wuxuu shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday howlgallo kale oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay meelo kala duwan, waxaana kamid ah qaraxyadii mataanaha ahaa ee lagu weeraray ciidamo katirsan PS-ta dowladda.
Halkan ka dahgayso Sheekh Abuu Muscab-oo ka hadlay Weerarkii saldhiga Turkiga iyo howlgallo kale