Xillibaan iyo Istaafkiisa Oo lagu dilay Gaalkacyo.

Xillibaanada Puntland.

Wararka ka imaanaya wuqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Xillibaan katirsan Baarlamaanka Puntland caawa lagu toogtay halkaas.

Cabdi Xakiin Macalin Daahir oo kamid ahaa xillibaanada Puntland iyo nin istaafkiisa ahaa ayaa lagu weeraray kasoo horjeedka Hotel Clasic oo ku yaala wuqooyiga Gaalkacyo.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda dilka Xillibaankan iyo istaafkiisa oo kamid ahaa xillibaanada Baarlamaanka Puntland.

“Mujaahidiinta ayaa xidlhibaan katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, alle mahaddii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dilka xillibaan Cabdil Xakiim, waxaana taliyaha booliiska wuqooyiga Gaalkacyo uu sheegay in Xillibaanku uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku fureen rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.