Abuu Ghureybkii Ciraaq Oo laga furay Yaman!! (Akhriso Warbixin Naxdin leh).

Dowladda Imaaraatka carabta ayaa dalka Yaman waxay ka geysaneysaa gabood fallo xanuun badan iyo tacadiyo joogta ah oo ay kula kaceyso muslimiinta dhibaateysan ee ku nool wadankaas.
Dhibaatada ugu daran waxay ka jiraa xabsiyo qarsoodi ah oo koonfurta Yaman ay ka furtay dowladda Imaaraatka, kuwaas oo lagu tacdiibiyo, lagu kufsado, lagu jirdilo maxaabiis aan waxba galabsan, dembina looga dhigay iney yihiin muslimiin Ahlu sunna ah.
Wakaaladda AP ayaa baahisay cadeymo iyo sheekooyin argagax leh oo ku aadan waxa ka socoda gudaha xabsiyada Imaaraatku maamulo ee ku yaala Yaman, waxaana dadka wakaaladda la hadlay sheegayaan in xabsigii Abuu Ghureybk ee ku yaalay Ciraaq loo soo raray Yaman, marka laga eego waxa ka socoda xabsiyada Imaaraatka.
Jirdilka iyo tacdiibinta ay la kulmeen maxaabiista qaarkood way adagtahay in afka laga sheego, waxaana kasii adag inay dhagahaagu maqlaan, dhaqan xumada iyo bahalnimada saraakiisha Imaaraatka ee tacdiibka geysanay awgeed.
Waxay ku daah furaneysaa wakaaladda warbixintan dheer ee ay ka qortay dhibaatada xabsiyada imaaraatka ee Yaman, imaanshaha 15 sarkaal oo Imaaraat ah kuwaas oo soo gaaray xabsiga bi’ir Axmed ee ku yaala magaalada Cadan, waxaana markiiba maxaabiista ay ku amreen iney safaf dhaadheer galaan, dharkana iska siibaan, xabad xabadna u seexdaan.
Markaas ayay billaabeen iney meela xasaasi ah oo kamid ah jirka qofka banii aadamka ay gacmaha la galaan, iyagoo sheegaya iney raadinayaan teleefanno lagu qariyay jirka gudihiisa.
Maxaabiista qaar oo markaas ooyin afka furtay ayaa la garaacay, dhawaaqa Eeyaha ayaana dadka lagu cabsi gelinayay.
Mid kamid ah dadkii goobjooga ahaa dhacdadaas, kana mid ahaa maxaabiista la tacdiibiyay ayaa sheegaya in saraakiisha Imaaraatka ay si joogta ah u kufsanayeen ragga, iyadoo marka uu sarkaalku kufsanayo qofka ragga ah uu mid kalana duubayo muuqaalkaas indha xumada badan.
Maxbuus tacdiibkan la kulmay ayaa sarkaalka kufsiga geysanayay wuxuu ku yiri “ waxaad dileysaa karaamadeyda”, mid kale ayaa yiri “ ma waxaad u timaadeen inaad dhulkeena xureysaan mise inaad dharka inga siibtaan”, waxaana markaas uu sarkaalka Imaaraatka ku jawaabay “ shaqadeena ayaa sidan ah”.
Maxbuus kasoo baxsaday xabsigaas, lana hadlay wakaaladda AP ayaa shaaca ka qaaday in markii uu xabsigaas ku jiray uu tamanin jiray inuu dhinto, ama lagu soo oogo dembi, si uu isaga qirto, loona dilo, wuxuuna xabsiyada Imaaraatka ee Yaman ku tilmaamay iney lamid yihiin xabsigii Abuu Ghurbeyb ee ku yaalay dalka Ciraaq, halkaas oo ciidamada Maraykanka ku kufsadeen rag iyo haween muslimiin ah oo ku xirnaa xabsigaas.