Africom Oo Qirtay in Askari Looga dilay Soomaaliya iyo Donald Trump Oo ka tacsiyeeyay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay waxay guluf dagaal oo xoogan ku qaadeen Ciidamo huwan ah oo isugu jira Maraykan, Kenyaati iyo Soomaali.
Ciidamada la weeraray ayaa dhawaan soo degay deegaanka Baar-Sanguuni oo qiyaastii 45KM ka fog magaalada Kismaayo.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa madaafiicda culus iyo kuwa garbaha laga rido waxay ku garaaceen ciidamada Ameerikaanka iyo kuwa kale ee soo degay Baar-Sanguuni, waxaana goobta ku gaaray khasaare xoogan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in howlgalkaas ay ku dishey Askari Maraykan ah, kuna dhaawacday 4 kale kuwaas oo qaarkood xaaladoodu liidato.
Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa “Africom” ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku qirtay warka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Africom waxay qirteen in Koonfurta Soomaliya looga dilay Askari Ameerikaan ah, halka afar kalana looga dhaawacay.
Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka ayaa bartiisa Twitterka u ku leeyahay wuxuu kaga hadlay Askariga Soomaaliya looga dilay, waxaana uu ehellada askarigaas la dilay iyo kuwa dhaawacmeyba uu uga tacsiyeeyay musiibada ku dhacday.
“Waxaan u duceynayaa ehellada Askarigeena la dilay, iyo saaxibadiisa ku dhaawacmey Soomaaliya, dhabtii dhamaantooda waa geesiyaal” ayuu yiri Donald Trump.
Ciidamada Maraykanka ayaa ka howlgala gobollada kala duwan ee ay ku suganyihiin Shisheeyaha, waxaana marar badan gaara khasaare ballaaran oo lixaad leh, inkastoo ay naadir tahay iney qirtaan, sida hadda dhacdey oo kale.