Askar katirsan Dowladda Oo lagu dilay Dagaal ka dhacay duleedka Qoryoolay.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin u dhigeen ciidamo katirsan dowladda federaalka oo ku socdaalayay duleedka Qoryoolay.

Ciidamada dowladda oo sida muuqatay doonayay iney dhac iyo baad u geystaan dadka shacabka ah ayaa mar qura waxay ka war heleen rasaas kaga soo hoobaneysa hareeraha wadada.

Durba goobta waxaa ku quur baxay 3 Askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, iyadoona ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay furteen AK47 uu watay mid kamid ah askarta geeriyootay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gobolka Shabeellaha-hoose waxay si dardar leh uga wadaan howlgallada ka dhanka ah dowladda iyo Shisheeyaha, waxaana Qoryoolay marar badan ka dhacay dagaallo iyo weeraro xoogan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda iyo Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.