Banaanbaxyo Looga soo horjeedo go’aankii Maxkamadda sare ee Maraykanka oo ka dhacay magaalada Newyork.

Protesters gather in Battery Park and march to the offices of Customs and Border Patrol in Manhattan to protest President Trump’s Executive order imposing controls on travelers from Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen, January 29, 2017 in New York. / AFP / Bryan R. Smith (Photo credit should read BRYAN R. SMITH/AFP/Getty Images)

Iyado dhawaan maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ay meel marisay go’aan kasoo baxay Donald Trump, kaas oo dadka u dhashey shan dal oo katirsan caalamka islaamka looga diidayo iney gudaha Maraykanka soo galaan, ayaa waxaa dalkaas ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo arinkaas.

Magaalada Newyork ee dalka Maraykanka, boqollaal ruux oo wata boorar lagu xardhey halkudhigyo lagu diidanyahay go’aanka Trump iyo maxkamadda ayaa isugu soo baxay, waxayna muujinayeen sida ay uga xunyihiin in dadka muslimiinta ee kasoo jeeda shan dal loo diido iney soo galaan Maraykanka.

Boorarka ay wateen waxaa qaarkood ku qornaa, dhamaanteena waxaan nahay muslimiin, ma dooneyno midab sooca, iyo erayo kale oo qaarkood toos lid ugu ah Trump iyo maamulkiisa Aqalka-cad.

Banaanbaxyada waxa kaqeybgalayay hay’adaha muslimiinta ee ka dhisan Maraykanka, waxaana dadku isugu yimaadeen barxadda Folly oo ku taalla magaalada Newyork.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale ka horyimid go’aanka Maxkamadda ay ku taageertay amarka Trump, waxayna ay ku tilmaameen iney tahay arin sharci darro ah.

Dalalka dadka kasoo jeeda laga mamnuucay iney gudaha Maraykanka soo galaan, waa Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Yaman iyo Iiraan, waxaana Trump dadka kasoo jeeda dalalkaas uu ku eedeynayaa iney yihiin waxa uu ugu yeeray Argagaxiso halis ku ah amniga Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.