Ciidamada Alshabaab oo gawaari iyo hub ku qabsaday dagaal ka dhacay duleedka Boosaaso.

Wararka naga soo gaaraya gobalka Barri ayaa ku waramaya in ciidamo aad uhubaysan oo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ay weerar culus ku ekeeyeen xarun ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka gobaleedka Puntland.

Ciidamada xarakada ayaa si gaar ah uweeraray xerada Balli khadar iyagoo cagta mariyay ciidamadii ku sugnaa saldhigaasi.

dagaalka ayaa sababay khasaaro maaliyadeed iyo mid hanti oo soo gaaray maamul gobaleedka uu madaxda uyahay Cabdiwali gaas.

illo wareedyo mas’uul ah oo la hadlay idaacada islaamiga ah Alfurqaan ayaa sheegay in Puntland dagaalka loo qabsaday gawaari badan waxaana la gubay xerada.

wali faafaahin dhameestiran oo ku aadan dagaalka kama soo bixin xarakada shabaabul mujaahidiin iyo maamulka Puntland.

waxaa la xasuustaa dagaalkii Af urur ee dhacay bishii hore ramadaan oo maamulka Puntland looga dilay in ka badan 60 Askari.

Puntland ayaa wajahaysa laba furan dagaal oo kaga imaanaya xarakada shabaabul mujaahidiin oo ku xoogan gobalka Barri iyo maamulka Somaliland.

Wixii faafaahin ina soo gaara dib ayaan kasoo sheegi doonaa inshaa allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.