Ciidamada AMISOM oo Gawaari Looga gubay Shabeellaha-Hoose.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in qaraxyo culus lala eegtay gawaari kolonyo ah oo ay la socdeen Ciidamada Shisheeye kuwaas oo ku socdaalayay gobolka Shabeellaha hoose.

Kolonyo gawaari ah oo ay ciidamadu Shisheeyuhu wateen ayaa la qarxiyay iyagoo maraya deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana qaraxyadaas lagu burburiyay ugu yaraan saddex gaari.

Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Shisheeyaha ee la qarxiyay, balse ma helin faafaahin rasmi ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada iyo qaraxyada ay ku beegsanayaan Shisheeyaha duulaanka ku jooga dhulkeena Soomaaliya, waxaana qaraxyada ay kamid yihiin kuwa ugu badan ee lagu naafeeyo Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.