Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo dagaal ku galay magaalada Baardheere.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay magaalada Baardheere oo ay ku suganyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya ee kaabaya kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid adag, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si weyn looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay cagta mariyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka maamulka Jubbaland, iyagoona gudaha u galay xaafado katirsan magaalada Baardheere.

Waxaa la rumeysanyahay in dagaalka uu ka dhashey khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada Soomaalida, waxaana markii weerarku socoday ciidamada Itoobiya ay madaafiic u qeybiyeen xaafadaha magaalada Baardheere.

Jabahaatka kala duwan ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii dardar geliyay howlgallada iyo dagaallada ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo Soomaalida ku leeyhiin koonfurta, bartamaha iyo wuqooyi bari Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.