Dowladda Koonfurta-Suudaan iyo Mucaaradka Oo ku shiraya Khardhuum.

Magaalada Al-khardhuum ee caasimadda dalka Suudaan waxay marti gelineysaa shir ballaaran oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda koonfurta-Suudaan iyo mucaaradka wadankaas curdunka ah ee asalkiisa ka go’ay Suudaan.

Madaxweynaha Koonfurta-Suudaan Salfakiir iyo gudoomiyaha mucaaradka Riyaar Mashaar ayaa kuwada sugan magaalada Al-Khardhuum, waxaana kulanka ay yeelanayaan labadan dhinac soo qaban qaabiyay urur goboleedka IGAD.

Madaxweynayaasha Suudaan iyo kan Yugaandha Yuweri Museveni ayaa goobjoog ah kulanka, waxaana jira cadaadis xoogan oo la saarayo madaxda koonfurta-Suudaan oo ku aadan iney xal ka gaaraan muranka dhexdooda ah.

Arrimaha ugu weyn ee looga hadlayo shirka waxaa kamid ah dhaqaalaha iyo nabadgeliyada, waxaana IGAD dooneysaa in nabad waarta ay ka dhaliso halkaas, maadaama dadka isheysta ay yihiin kuwa aan muslimiin ahayn.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ku dadaaleyso iney suurageliso iney heshiiyaan  mucaaradka iyo dowladda Koonfurta-Suudaan.

Koonfurta-Suudaan ayaa asal ahaan ka go’ay dalka Suudaan, waxaana arintan lagu tiriyaa mid kamid ah khaladaadkii ugu weynaa ee Cumar Al-bashiir uu galay, maadaama uu u dhega raariciyay ballanqaadka Reer-galbeedka oo u ololeynayay in laga helo Suudaan jamhuuriyad madaxbanaan oo Kirishtan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.