Gabre Oo Laga Eryay Shaqadii uu ka hayay IGAD.

Generaal Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah, islamarkaana jago ka hayay urur goboleedka IGAD la magacbaxay ayaa gebi ahaanba laga joojiyay howlihii shaqo ee uu hayay.

War qoraal ah oo kasoo baxay ururka IGAD ayaa lagu shaaciyay eryinta Gabre, iyo inaanu xubin ka ahayn urur goboleedka IGAD.

“laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka June ee sanadka 2018-ka waxaa gabi ahaanba idlaatay howlihii latalinta ee dhanka siyaaadda aheyd ee uu Janaraal Gabre u qaabilsanaaa Urur Goboleedka IGAD” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay IGAD oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha joogtada ee ururka ninka lagu magacaabo Maxbuub Maalin.

Lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya ee jeneraal Gabre laga qaado xilka uu ka hayay ururka IGAD, waxaana laga yaabaa in jagadaas oo markii horeba boorqarin ahayd ay idlaatay waqtigeeda, islamarkaana la doonayo in Gabre oo markale si toos ah usoo fargeliyo arimaha Soomaaliya.

Casilaada Gabre waxay imaaneysaa iyadoo dhawaan dowladda Itoobiya sheegtay iney furan doonto magaalada Muqdisho, oo ay shacabka Itoobiya ka shaqeysan doonaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.